Jigjiga(cakaaranews)Axad, 29ka July 2018. Waxaa maalinba maalinta kadanbaysa kor usii kacaya islamarkaana qofkasta indhihiisa soojiidanaya quruxda iyo bilicda xarunta deegaanka ee magaaldajigjiga kuwaas oo ay ugu horeeyaan dhismayaasha dabqayada dhaadheer ee kusiibadanaya magaalada ee isugujira huteelada super-marketyada iyo waliba gobaaha ganacsiayada kaladuwan ee magalada. Iyadoo maantana uu maareeyaha magaalada jigjiga uu xadhiga kajaray huteel casri ah oo laga dhisay badhtamaha magaalada jigjiga islamarkaana uu dhisay mawaadin udhashay deegaanka ahna gudoomiyaha jaaliyada wadanka Kuwait.
Hadaba, huteelkan oo lagu magacaabo sagal ayaa waxaa xadhiga kajaray Maareeyaha MMJ mudane Fadxi Shugri Axmed oo ay waheliyaan madaxa arrimaha xisbiga MMJ mudane cabdulaahi muxumed iyo madaxa xafiiska maayorka MMJ mudane cabdicasiis mahad.
Sidaasdarted, xadhig kajarka kadib ayaa wxaa warbaahinta lahadlay Maareeyaha MMJ mudane Fadxi Shugri Axmed oo sheegay in farxad ay utahay maanta in ay xadhiga kajaraan huteelkan quruxda badan ee lag dhisay badhtamaha magaalada Jigjiga islamarkaana uu dhisay muwaadin u dhashay deeganka oo qurbajoog ah. Ahna gudoomiyaha jaaliyada wadanka Kuwait. Wuxuuuna intaas kudaray maareeyuhu in huteelkan si casri ah loodhisay islamarkaana uu kakoobanyahay 50 qol oo jiif ah, supermarket iyo caftero. Wuxuuna u mahadceliyay mulkiilaha huteelka. Maareeyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa carabka kudhuftay in ka maamul magaalo ahaan inay garabtaagan yihiin cidkasta oo maalgashi kasamaynaysa magaalada. Wuxuuna kuladadaraadmay dhamaan qurbajoogta DDSI inay deegaankooda maalgashadaan maadaama oo uu dhulkooda hooyo uu yahay mid huran iyaga.
Sidookale, madaxa arrimaha xisbiga mmj mudane cabdulaahi muxumed oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in huteelkani yahay mid si casri ah loodhisay islamrkaana bixinaya adeegyo kaladuwan oo ay bulshadu u baahantahay. Wuxuuna intaas kudaray in huteelkan iyo dhamaan huteelada ay fulinayaan qurba joogta iyo qaranjoogtuba ay kutimid nabadgalyada iyo horumarka xawliga ah ee deegaanka ka hanaqaday 10kii sano ee udanbaysay.
Ugudanbayna, mulkiilaha huteelka mudane Axmed-siyaad Cabdiraxmaan oo ah muwaadin qurbajoog ah ahna gudoomiyaha jaaliyada wadanka Kuwait oo isna dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay dhisamha huteelkan ee uu magaalada jigjiga kadhisay. Wuxuuna carabka kudhuftay in hadii alle idmo uu maalgashiyo intan kabadan samayn doono. Axmedsiyaad oo hadalkiisa soowwata ayaa tilmamay in wakhtigan lagu jiro ay deeganka kajirto horumar iyo nabadgalayo balaadhan taasoo ay salka udhigtay xukuumada maanta deeganka ka arimasa ee uu hogaamiyo mudane cabdi maxamuud cumar.