Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Lasoco Barri Iyo Danbiyada Maxaabiista Hadhay

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 10ka July 2018. hadii alle idmo waxaa lashaacin doonaa muuqaalada maxaabiista kuhadhay xarunta dhexe ee dhaqan celinta DDSI  kuwaasoo si fiican usheegaya danbiyada maxaabiista kuhadhay xarunta, nooca danbi ay u xidhan yihiin (danbiyada dhareq wanjalka ah)

 

 

 


በስዊድን የሚኖሩ የኢ.ሶ.ክ.ዲያስፖራ ኮሙኒቲ በክልሉ የተመዘገበውን ዘርፈ ብዙ ለዉጥ የሚደገፉበት ደማቅ ሥነ-ስርዓት አካሄዱ

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews) ማክሰኞ፤ሰኔ 03/11/2010 ዓ.ም  በስዊድን የሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የአፍዴር ዞን ተወላጅ የሆኑ የዲያስፖራ ኮሙኒቲ አባላት በክልሉ እየታየ ያለውን ሁለንተናዊ ለዉጥ በመደገፍ ብሎም ለማስቀጠል፣ ለማበረታታትና ከክልሉ መንግሥት ጎን መሆናቸው የሚያሳዩበት ደማቅ ሥነ-ስርዓት አካሄዱ።

በተጨማሪም ለበርካታ ዓመታት በጉጉት ሲጠበቅ የነበረው ድፍድፍ ነዳጅ በኢትዮጵያ ሶማሌ  ክልልበማዉጣቱ በጣም እንዳስደሰታቸዉና ድፍድፍ ነዳጁ ለሃገሪቱም ሆነ ለክልሉ ፈጣኝ እድገት እንደሚያመጣና የዘመናት ህልማቸውን እንዳረጋገጠም ገልጸዋል።

በዲያስፖራ ኮሙኒቲው የድጋፍ ሥነስርዓት ላይ መልዕክታቸውን በስልክ ያስተላለፉት በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ዲያስፖራ ማስተባበሪ ቢሮ ሃላፊና በፕሬዝዳንቱ ቅርታ ማስተናጃ ዘርፍ አማካሪ አቶ አብዲረዛቅ ሰሃኔ በመጀመሪያ ምስጋናቸውን በማቅረብ፤ በመላዉ ዓለም ለሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የዲያስፖራ ኮሙኒቲ አባላት ክልሉ እያስመዘገባቸው ያሉ ዘርፈ ብዙ ለውጦች እንደ ፀጥታ፣ መልካም አስተዳደር እንዲሁም የተገኙትን ድሎች ለማስቀጠል የበኩላቸውን ድርሻ መወጣት እንዳለባቸው ገልፀዋል።

ባለፈው ሳምንት ሥራውን በይፋ የጀማረው የኢለሌ ድፍድፍ ነዳጅ መውጣትን ተከትሎ የክልሉ ዲያስፖራ ኮሙኒቲዎች አድናቆታቸውን እየገለፁ እንደሚገኙና በዚህም በርካታ የሥራ ዕድሎች መፍጠር እንደሚቻልም በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሥት ሥም ላረጋግጥላችሁ እወዳለሁ ብለዋል።

በመጨረሻም በስዊድን ለሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የዲያስፖራ ኮሙኒቲ እና በስካንዲኒቪያ ጥላ ሥር ለሚገኙ የዲያስፖራ ኮሙኒቲ የበኩላቸውን ድርሻ እንዲወጡ፣ ለሃገር ዕድገትም እንዲሠሩ ጥሪ አቅርቧል።

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Layeeshay 63 Xubnood Oo Ah Hogaaminta Dugsiyada Waxbarashada Ee Dumarka Ah

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arabco, 11ka July 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI oo dadaal xoogan ugu jira kor uqaadista tayada waxbarashada iyo waliba sidii uu kor ugu qaadi lahaa dhanka kaqaybgalka haweenka ee hogaaminta waxbarashada. iyadoo uu xafiisku tababarka hogaaminta waxbarashada siiyay macalimiin dumar ah, kuna kala meeleeyay dugsiyada deegaanka. waxaana maanta magaalada jigjiga ka qabsoomay kulan qiimayn iyo xog iswaydaarsi isugujira oo loo qabtay 63 xubnood oo dumar ah oo kamid ah hogaaminta dugsiyada deegaanka ee kal hore lagu meeleeyay.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta uga warbxiyay kulankan ayaa sheegay in Fagaarahani ahaa mid  loogu talagalay in lagu qiimeeyo geedisocodkii baris barasho ee dugisyada sanadkan dhamaaday ee 2010 T.I. wuxuuna intaas kudaray in xubnahan kulanka looqabtay ay yihiin xubnihii kalhore uu xafiisku  tababarka hogaaminta siiyay oo tiradoodu dhanayd 63 xubnood oo ah haween islamarkaana lagu kala meeleeyay duggsiyada waxbarashada iyagoo ah maamulayaal iyo kormeerayaal.  Kulanakanina uu yahay mid lagu kala qaadanayo caqabadihii lasoodarsay iyo waliba dhankoodii adkaa ee geediscodka baris baarsho ee dugsiyadii ay kakala yimaadeen.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in sidokale sanadkan uu xafiisku tababarka hogaaminta waxbarashada siiyay 130 xubnood oo haween ah taasoo 2dii snao ee udanbaysay kadhigaysa tirada guud ee hogaaminta waxbarashada  dumarka ah 193 xubnood. Wxuuna tilmaamay in kulankani yahay mid lagu gorfaynayo sii xoojinta iyo kor uqadista tayada waxbarashada laguna kala qaadanayo jihooyin horumarineed.

Dhankakale, , Gadh-wadeenka G/S Horumarinta Macalinmiinta iyo Hogaaminta Waxbrashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakin Maxamed Cali oo isna dhankiisa kawarbixyay ujeedada kulnakan ayaa sheegay in xafiisku uu dadaal ugu jiro kor uqaadista tayada waxbarashada. Wxuuna xafiisku qaaday talaabooyin kuwajahan dhanka kor uqaadista hogaaminta haweenka ah ee waxbarashada kadib markii ladarsay in hogaaminta dugsiyada ay aad ugu wanaagsan yihiin haweenku islamarkaana tababarka hogaaminta waxbarshada siiyay  haween tiradoodu kudhawadahay 200. Kuna kala meeleeyay dugsiyada deegaanka. Ayaa waxaa kulankan lagu kala qadanaya geedisocdkii baris barasho ee sanadkan dhamaday iyoc aqabadihii so foodsaaray hogaaminta waxabarshada dugsiayada waxabarshada ee haweenka ah.  

Iskusoowada duuuboo, 2dii  sano ee ugu danabysay ayaa wuxuu xafiisku guulo waxku’ool ah ka keenay dhanka natiijada ardayda iyo waliba kaqaybgalka dumarka ee dhanka hogaaminta dugsiyada waxabarshada.

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha 5aad Ee Baarlamaanka DDSI Oo Si Rasmi Ah Ufurmay

0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 11ka July 2018. Waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada deegaanka. Iyadoo kalfadhigana ay kasooaybgaleen afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI, madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waliba dhamaan xubnaha xildhibaanada  DDSI.

Hadaba,  kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane maxamed-rashiid isaaq. kadib markii uu hubiyay in kooramka kalfadhigu buuxo. Wuxuuna afhayeenku soo bandhigay ajandayaasha ay kamidka yihiin  ansixinta warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyadeedka 2010 T.I, ansixinta qorshaha iyo miisaaniyada 2011,iyo waliba ajandayaal kale oo muhiim ah oo ay kamid yihiin ansixinta bayaano kaladuwan.

Iskusoowada duuboo,  kalfadhigan golaha xildhibaanada DDSI ayaa si habsamileh uga sii socda xarunta DDSI ee magalaada jigjiga. 

 

 

7ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት መደበኛ ጉባኤ በጅግጅጋ ከተማ በዛሬው ዕለት ተጀመረ

0
0

ጅግጅጋ (cakaaranews)ረቡዕ፤ሐምሌ 04/2010ዓ.ም  5ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት 3ተኛ የሥራ ዘመን 7ተኛው መደበኛ ጉባኤ በዛሬው ዕለት በጅግጅጋ ከተማ የተጀመረ ሲሆን በጉባኤው ላይ የክልሉ ምክር ቤት አፈ ጉባኤና የኢሶህዴፓ ማዕከላዊ ኮሚቴ ፅ/ቤት የፓርቲ ጉዳዮች ኃላፊ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ፣ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕረዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር፣ የክልሉ ም/ቤት አባላት እና የክልሉ የሥራ ኃላፊዎች ተገኝተዋል።

በጉባኤው መክፈቻ ላይ የክልሉ ምክር ቤት አፈ ጉባኤ ክቡር አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ የጉባኤው አጀንዳ የሆኑትን የ2010 በጀት ዓመት እቅድ አፈፃፀም ሪፖርት ማጽደቅ፣ የ2011 በጀት ዓመት እቅድ  ማጽደቅ እና ሌሎች የተለያዩ ረቂቅ አዋጆችን ለም/ቤቱ አባላት ለውይይት አቅርቧል።

በመጨረሻም 7ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት መደበኛ ጉባኤ በቀጣይ ቀናት እንደሚጥል አፈጉባኤው አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ አስታውቋል።

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha Baarlamaanka DDSI Iyo MW CMC Oo Khudbad Muhiim Ah Kasoojeediyay

0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 11ka July 2018. Waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada deegaanka. Iydoo kalfadhigana ay kasooaybgaleen afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI, madaxwaynaha DDSI Mudane Cabid Mxamuud Cumar iyo waliba dhamaan xubnaha xildhibaanada  DDSI.

Hadaba,  kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahan madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq. islamarkaana golaha soo hordhigay ajandayaasha kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku soo bandhigay ajandayaasha ay kamidka yihiin Ansixinta Warbixinta waxqabadka Xukuumada DDSI ee SM 2010 T.I, ansixinta Warbixinta Baarlamaanka, Ansixinta Miisaaniyada 2011 T.I Ee DDSI, Ansixinta warbixinta Maxkamada Guud, Ansixinta warbixinta Hanti dhowrka,

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi kahadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarakaana khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay. wuxuun madaxwyanuhu sheegay in warbixinta waxqabadka ee sanad miisaaniyadeedka 2010.T.I ay ku sargo’antahay fulinta qorshayaasha horumarineed, kaabayaasha dhaqalaaha iyo nabadgalyada. Wuxuuna intaa skudaray in warbixintu ka hadli doonto dhinacyada waxsoosaarka beeraha, shaqo abuurka iyo waliba jidadka. Isagoo kubuuriyay golaha in sifiican looga dodo lagana talo bixiyo.

Sidookale, madaxwaynaha ayaa si faahfaahsan uga hadlay guud ahaan isbadalada horumarineed ee kasocda dalkeena. Wuxuuna xusay in qorshaha cusub ee uu wado Raisal-Wasaaraha JDFI  Dr Abiyi Ahmed ee kusalaysan is cafinta iyo isjacaylka ay ka deegaan ahaan ka dhaqan galinyaan dhankooda islamarahaantaana ay ka xisbi ahaan iyo ka xukuumad ahanba ay cafis waydiisanayaan guud ahaanba shacabka DDSI, iyagoo sidookalena cafis u fidinaya dhamaanba cidii ku khaldantay xukuumada iyo xisbigaba.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar ayaa sidookale tilmaamay in go’aankii baarlamaanka dalkeenu uu ururka ONLF kaga saaray liiska argagixisada ay kadeegaan ahaan aad usoo dhawaynayaan islamarkaana ay xukuumada DDSI cafis ufidisay dhamaan maxaabiistii ONLF ku eedaysnaa  oo wakhtixaadirkan aysan jirin cid uxidhan ururkaasi ONLF.

Dhankakale, madaxwaynaha DDSI ayaa ururka ONLF ugu baaqay in ay kafaa’iidaystaan qorshaha cafiska iyo isjacaylka ee guud ahaanba ururada kale ee dalku ay kafaaiidaysteen. Wuxuuna carabka kudhuftay in xukuumada DDSI  ay wakhtixaadirkan qorshaynayso in dhamaanba jeelasha deegaanka laxidho, iyadoo miisaaniyadii kubaxaysayna loo isticmaalayo horumarka iyoo kaabayaasha dhaqaalaha.

Ugudanbayna, Madaxwaynaha ayaa tilmamay in shacabwaynaha dalka iyo ka deegankaba ay guul wayn u tahay soo saarista shidaalka deegaanku hodanka ku yahay. Wuxuuna madaxwaynuhu amaanay ficilada wanaagsan ee uu qaaday RW JDFI Dr Abiyi Axmed islamarkaana aysan cidna inkiri Karin waxqabadka wanaagsan ee kudayashada mudan ee uu wakhtiga yar ku fuliyay. Wuxuuna  Madaxwaynuhu  cadeeyay in ay dhamaatay xiligii been iskasheegida iyo propogaandada islamarkaana uu shacabwaynaha deegaanku hal mid yahay oo haba yaraatee  cid fadhiid ah aan loo joojin doonin.

Iskusoowada duuboo,  kalfadhigan7aad ee golaha5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa si habsamileh uga sii socon doona xarunta DDSI ee magalaada jigjiga. 

 

 

 

Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Doollo-Caddo Oo Xadhiga Laga Jaray

0
0

Doolocado(cakaaranews)Arbaco, 11ka July 2018. Waxaa maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray kuliyada tababarada macalimiinta ee doolo-cado taas oo ay si wada jir ah xadhiga uga jareen mas’uuliyiin uu hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur, oo ay kuwaheliyaan Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Samafalka iyo Hay’adaha Mudane Cabdi Bari Macalin iyo waliba wakiilka gaarka ah ee hayadaha qaxootiga dalka soomaalia Danjiraha Ambassador Maxamed Cabdi Afay.

Hadaba, wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in  Maanta ay si rasmi ah Xadhiga uga Jareen Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta ee laga hirgaliyay Doolo-cado islamarkaana ay hirgalinteeda iska kaashadeen xafiiska waxbarashada iyo Hay’ada Qaramada Midobay Ee Qoxootiga (UNHCR) oo iyadu dhismaheeda maalgalisay. Wuxuuna intaas kudaray in munaasabadii xadhig ka jarka ay kala soo qayb gleen Gudoomiyaha Gobalka Liban Mudane Cabdi Xussen Cali(Cabdimadobe) iyo waliba qaar kamid ah gudoomiye yaasha degmooyinka gobolka libaan.

Sidookale, wasiir-kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kuliyadan macalimiinta ee dooolo-cado ay horay usii bilawday adeegii waxbarashada iyo jiifka islamarkaana ay kuxarootay macalimiin kabadan 150 kadib markii xafiisku uu ku meeleyay macalimiintii kuliyada iyo maamulkii islamarkaana uu dadaal adag kagaystay dhamaan doorkii kaga aadanaa ka xafiis waxbarasho ahaan ilaa hadana uu sii wado sidii uu xafiisku kor ugu qaadi lahaa kuliyada, haday dhismo tahay iyo haday adeegyadii kale tahayba. Maadaama oo ay tahay kuliyad cusub islamarkaana loo baahan yahay inay la tartanto kuliyadaha kale ee tababarada macalimiinta deegaanka.

Iskusoowada duuboo, kuliyadan tababarada macalimiinta  ayaa tirada kuliyadaha macalimiinta ee deegaanka kadhigaysa  kuliyadii 3aad ee tababarada macalimiinta deegaanka. Iyadoo kuliyadana laga hirgaliyay meel istaraatiiji ah islamarkaana kuhaboon kadib markii daraasaad laga sameeyay kahor intaa ladhisin. Sidaaasdartee,  kuliyadan ayaa waxa laga filayaa inay qayb libaax kaqaadato dhanka tababarada macalimiinta deegaanka.

በሶማሊያ የተ.መ.ድ.የስደተኞች ጉዳይ ልዩ መልዕክተኛ በጅግጅጋ ገራድ ዊልዋል አየር ማረፊያ ደማቅ አቀባበል ተደረገለት

0
0

ጅግጅጋ (cakaaranews)ሩቡ᎓ሐምሌ 04/2010ዓ.ም.ሃገራችን ኢትዮጵያ ስደተኞችን በመቀበልና በማስተናገድ ከአፍሪካ ቀንድ ሃገሮች በግንባር ቀደም ትጠቀሳለች። ይህ በእንዲህ እንዳለ በሃገራችን ከሚገኙት ክልሎች መካከል የኢ.ሶ.ክ ከፍተኛ ቁጥር ያላቸው ስደተኞችን ተቀብሎ  በተለያዩ መጠሊያ ጣቢያዎችን እያስተናገደ ይገኛል።

በዚህም በተ.መ.ድ የሶማሊያ ስደተኞች ጉዳይ ልዩ መልክተኛ አቶ መሀሙድ አብዲ ጅግጅጋ ገራድ ዊልዋል ዓለምአቀፍ አየርማረፊያ ሲደርሱ የኢ.ሶ.ክ ት/ቢሮ ሃላፊ አቶ ኢብራሂም አደም እና በፕሬዝዳንት ጽ/ቤት የለጋሽ ድርጅቶች እና ስደተኞች ጉዳይ አማካሪ አቶ አብዲበሪ መአሊን ደማቅ አቀባበል አድርገውላቸዋል።

በተያያዜም ልዩ መልዕክተኛው በአየር ማረፊያውእንግዳ ማረፊያ በነበራቸዉ አጭር ቆይታ "እኔ በዋናነት ወደ እዚህ የመጣሁትበት ጉዳይ በተ.መ.ድ እና በኢትዮጵያ በኩል በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ውስጥ የሚኖሩትን የሶማሊያ ስደተኞች ለመጎብኘት ነው። እንደሚታወቀው ከ25 ዓመታት በላይ በእንግድነት የመጡትን እነዚህን የጎረቤት ሃገር ስደተኞች እንደሃገራቸው ከዛም በላይ እንደቤታቸው በእዚህ ሃገር ሲኖሩ በመቆየታቸውን የኢትዮጵያን መንግሥትና የክልሉን መንግሥት በእዚህ አጋጣሚ በጣም ለማመስገን እንወዳለን” በማለት ልዩ መልዕክተኛው ተናግረዋል።

 በተጨማሪም በጉብኝታቸውን ከኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሥት ጋር በመተባበር ለስደተኞቹ የሚያስፈልጋቸው መሠረታዊ ድጋፎች፣ እገዛዎችና ግንባታዎች እንደሚወያዩ አቶ መሀሙድ አብዲ ገልጿል።

የኢ.ሶ.ክ ት/ቢሮ ሃላፊ አቶ ኢብራሂም አደም በበኩላቸዉ "ልዩ መልዕክተኛው እዚህ በሚኖራቸው ቆይታ በክልሉ የተለያዩ አከባቢዎች  የሚገኙትን የሶማሊያ ስደተኞች እና የስደተኞች መጠለያ ጣቢያዎችን በመዟዟር የሚጎበኙ ይሆናል።  ከዚህ በተጨማሪም የስደተኞቹን ጉብኝት ካጠናቅቁ በኋላ ከክልሉ መንግሥት ጋር በመተባበር አስፈላጊውን ድጋፍ የማድረግ ሥራ ላይ ይሰማራሉ። ልዩ መልክተኛው ጉብኝት ከሚያደርጉባቸው ቦታዎች መካከል የዶሎ አዶ እና መልከዲዳ የስደተኞች መጠለያ ካምፖች ተጠቃሽ ናቸው። በቀጣይም የተለያዩ ሥራዎችን በጋራ የምንሠራ ይሆናል" ሲሉ  ገልፀዋል።

በሌላ በኩል ልዩ መልዕክተኛው  የጉብኝታቸው ዋና አላማው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልልም ሆነ የፌዴራሉ መንግሥት  የተለያዩ ዓለምአቀፍ የበጎ አድራጎት ድርጅቶች ለሶማሊያ ስደተኞች ለሚያደርጉት ድጋፍ ያላቸውን መልካም ግንኙነት ሀገራቸ ያላት ድጋፍ ለማሳየት ነው ብሏል።


Kulankii qiimaynta warbixinta waxqabadka 12kii bilood Ee Degmooyinka Gobolka Qoraxey Oo Si Rasmi Ah Ufurmay

0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Khamiis,12ka July 2018. Kulankii qiimaynta warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadmiisaaniyedki 2010TI ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa si rasmi ah ugu furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaanba degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka qoraxey ayaa waxaa ugu horeyn furitaankii ka hadlay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Cabdicasiis Axmed Habiye  oo hogaaminyay kulankan. Wuxuuna gudoomiyuhu ugu horeyn sheegay inuu ujeedada kulankan yahay qiimaynta warbixinta waxqabadka mashaariicii la fuliyay  sanad miisaaniyeedkii 2010TI iyo qaabka loo fuliyay inuu yahay sidii loogu talagalay in loo fuliyo, wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in kulankan lagusoo bandhigi doono qaab shaqeedka degmooyinka gobolka qoraxey iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka hanaqaadey guud ahaanba deegaanka.

waxaa iyana dhankooda bilaabay inay soo jeediyaan warbixintii waxqabadkii 12kii bilood ee lasoo dhaafey  mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka qoraxey waxaana lagu bilaabay inay soo jeediyaan degmada shilaabo ee gobolka qoraaxey, iyadoo oo ay shir gudoonka iyo mas’uuliyiinta degmooyinkaba  usoo dhigayeen degmooyinka soo jeediyay warbixinta inay iska saxaan hadii uu jiro wax loo baahanyahay in la saxo, waxaana soo jeedin iyo falanqayn kadib halkaas lagu ansixanayay warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee sanadmiisaaniyeedka 2010ka ee degmooyinkii soojeediyay maanta.

Ugu danbayn kulankan qiimaynta warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadmiisaaniyedki 2010TI ee degmooyinka gobolka qoraxey oo  si rasmi ah ugu furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey ayaa halkaas kasii socon doona.

7ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት መደበኛ ጉባኤ በዛሬ ዕለት በጅግጅጋ ከተማ በይፋ ተጀመረ

0
0

ጅግጅጋ (cakaaranews)ረቡዕ፤ሐምሌ 04/2010ዓ.ም  5ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት 3ተኛ የሥራ ዘመን 7ተኛው መደበኛ ጉባኤ በዛሬው ዕለት በጅግጅጋ ከተማ የተጀመረ ሲሆን በጉባኤው ላይ የክልሉ ምክር ቤት አፈ ጉባኤና የኢሶህዴፓ ማዕከላዊ ኮሚቴ ፅ/ቤት የፓርቲ ጉዳዮች ኃላፊ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ፣ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕረዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር፣ የክልሉ ም/ቤት አባላት እና የክልሉ የሥራ ኃላፊዎች ተገኝተዋል።

በጉባኤው መክፈቻ ላይ የክልሉ ምክር ቤት አፈ ጉባኤ ክቡር አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ የጉባኤው አጀንዳ የሆኑትን የ2010 በጀት ዓመት እቅድ አፈፃፀም ሪፖርት ማጽደቅ፣ የ2011 በጀት ዓመት እቅድ  ማጽደቅ፤የኦዲትና የፍትህ  አካላት ሪፖርት በማጽደቅ እና ሌሎች የተለያዩ ረቂቅ አዋጆችን ለም/ቤቱ አባላት ለውይይት አቅርቧል።

በተጨማሪም የኢትዮጵያ ሶማሌ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የ2010ዓ.ም በጀት ዓመት እቅድ አፈፃፀም ሪፖርት አቅርበዋል። በሪፖርቱ ላይም በዋኝነት በመሠረተ ልማት፣ በሰላምና በመልካም አስተዳደር ዘርፎች የተከናወኑ ሥራዎች በሰፊው ማብራሪያ ሰጥተውበታል። አያይዘውም በ2010 በጀት ዓመት በክልሉ ግብርና ምርት እና ምርታማነት፣ በወጣቶች ሥራ እድል ፈጠራ፣ በመንገድ መሠረተ ልማት የተሠሩ ሥራዎችን ሪፖርት በማቅረብ የምርክር ቤት አባላቱ በሁሉም ዘርፎች በቀረበው ሪፖርት እንዲወያዩ እና አስታየት እንዲሰጡ ክቡር ፕረዝዳንቱ ጠይቀዋል።

ከዚህ በመተጨማሪም የክልሉ ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ ሁሉንም በፌዴራል መንግሥት የተከናወኑ ተጨባጭ ለውጦች ባጭሩ በመዳሰስ፤ በኢፌዴሪ ጠ/ሚ ዶ/ር አህመድ የተገኘውን ይቅርባይነት፣ አንድነት፣ መፈቃቀርና የመደመር ሥራዎች እንደ ክልል በተጨማሪም እንደ ፓርቲ (ኢሶህዴፓ) ዋና አጀንዳ አድርጎ በቁርጠኝነት እንደሚያስቀጥሉም ገልፀዋል።

በሌላ በኩል ክቡር ፕረዝዳንቱ እንደ መንግሥትም እንደ ድርጅትም ለመላው የክልሉ ህዝብ ይቅርታ የጠየቁ ሲሆን ከመንግሥት እና ከድርጅትም ጥፋት ለፈጸሙት ሁሉ ይቅርታ ከጠየቁ እንደሚቀበሉ አስታውቀዋል።

ፕረዝዳንት አብዲ መሀሙድ ኡመር በቅርቡ የኢፌዴሪ ህዝብ ተወካዮች ምክር ቤት ኦብነግ(ኦጋዴን ብሔራዊ ነፃ አውጪ ግንባር) ከአሸባሪነት ዝርዝር ውስጥ የተሰረዙበት ውሳኔ የክልሉ መንግሥት እና የክልሉ መሪ ድርጅት ኢሶህዴፓ በጽኑ እንደሚቀበል እና በክልሉ ማረሚያ ቤቶች ውስጥ አንድም የኦብነግ አባል የሆነ ግለሰብ እንደለሌ በመግለፅ ሁሉም የኦብነግ አባላት በይቅርታ ከህዝቡ ጋር እንደሚቀላቀሉም አክለው ገልፀዋል።

በተመሳሳይም ሁሉም የኦብነግ አባላት እንደሌሎች ተፎካካሪ ድርጅቶች በሃገሪቱ እየተካሄደ ባለው የይቅር ባይነት እና የመደመር ሥርዓት ተጠቃሚ እንዲሆኑ ጥሪያቸውን አቅርበዋል። ከዚህ በተጨማሪም የክልሉ መንግሥት በክልሉ የሚገኙ እስር ቤቶች ሁሉ እንዲዘጉ ታቅዶ እየተንቀሳቀሰ ከመሆኑ በዘለል ለታራሚዎች ይወጣ የነበረው በጀትም ለመሠረተ ልማት እንደሚዞርም ክቡር ርዕሰ መስተዳድሩ ጠቁመዋል።

በሌላ በኩል የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ርዕሰ መስተዳደር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር በክልሉ የወጣው የተፈጥሮ ጋዝና ድፍድፍ ነዳጅ ለመላው የሃገሪቱ ብሎም ለክልሉ ህዝብ የእድገት ድል መሆኑን ጠቅሰው በኢፌዴሪ ጠቅላይ ሚኒስትር ዶ/ር አብይ አህመድ በአጭር ጊዜ ውስጥ በሁሉም የሃገሪቱ ክፍሎች ያስመዘገቡት ተጨባጭ ለውጦች የሚደነቁ ከመሆናቸውም ባሻገር ማንም የማይክዳቸው ሃቅ መሆናቸውን ፕረዝዳንቱ አብራርተዋል።

ፕረዝዳንቱ አሁን ባለንበት ጊዜ ውሽት እና ፕሮፖጋንዳ ጊዜ ያለፈበት ፋሽን ከመሆኑም በተጨማሪ የክልሉ ህዝብ ነቅቶ ወደ ልማት የዞረበት፤ አንድነት የፈጠረበት ብሎም ሁሉም የመደመር ጉዞ ላይ መሆኑንም ገልፀል።

በመጨረሻም 7ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት መደበኛ ጉባኤ በቀጣይ ቀናት እንደሚሄድም አፈ ጉባኤው አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ አስታውቀዋል።

 

 

በኢ.ሶ.ክ ጅግጅጋ ከተማ የሚገኘው የክልሉ ማዕከላዊ ማረሚያ ቤት ተዘግቶ ቦታው ለመስጊድ በመስጠት በማረሚያ ቤቱ የነበሩ ሁሉም የህግ ታራሚዎችም በይቅርታ ተለቋል

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሐሙስ፤ሐምሌ 05/2010ዓ.ም በኢ.ሶ.ክ.መ ጅግጅጋ ከተማ የሚገኙው የክልሉ ማዕከላዊ ማረሚያ ቤት ውስጥ የነበሩ ሁሉም የህግ ታራሚዎች በይቅርታ ተለቀው ወደ ህብረተሠቡ እንዲቀላቀሉ ከመደረጉም በተጨማሪ በማረሚያ ቤትነት ሲያገለግል የቆየው ይህ ስፍራ የአምልኮትና ልማት ማዕከልነት  እንዲሆን በክልሉ መንግሥት በመወሰኑ ከፍተኛ ደስታ የተሰማቸው መሆኑን የጅግጅጋ ከተማ ነዋሪዎች ገልፀዋል።

ከዚህ በተጨማሪም የጅግጅጋ ከተማ ነዋሪዎች ከክልሉ መንግሥት ጎን ተሰልፈው በሃገሪቱ እየተከወኑ የሚገኙትን የሠላም፣ የልማት እና የመልካም አስተዳደር ሥራዎች ከዳር ለማድረስ ብሎም ለማስቀጠል ከክልሉ መንግሥት ጋር በጋራ ወደ እድገት ለመሠማራት መወሰናቸውም ገለጹ።

ከዚህ ቀደም በዚህ ክልል ውስጥ በሚገኘው ማዕከላዊ እስር ቤት በተለያዩ ወንጀሎች ተከሰው የህግ ታራሚዎች  ይገኙበት የነበረ ሲሆን በተለያዩ የእምነትና የጋራ በዓላት ወቅት የክልሉ ፕሬዝዳንት ከክልሉ ፍትህ አካላት ጋር በመተባበር እስረኞችን በይቅርታ መለቀቃቸውን ይታወሳል። በቅርቡ በተከበረው የኢድ አል ፈጥር በዓል ወቅት የክልሉ ርዕሰ መስተዳድር ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ዑመር በማረሚያ ቤቱ ውስጥ የነበሩ ባርካታ የህግ ታራሚዎችን በምህረት ለቆ፤የቀሩትን የህግ ታራሚዎች በቀጣይ ወደ ህብረተሠቡ እንዲቀላቀሉ ለማደረግ ቃል በገቡት ቃል መሠረት በአሁኑ ጊዜ ይህን ተግባራዊ ለማድረግ መቻላቸውም ገልጿል። በተጨማሪም በክቡር ፕሬዝዳንቱ የማረሚያ ቤቱ ሥፍራ በቀጣይ ለመስጊድ እና ለወጣቶች የክህሎት ማሳደጊያ ማዕከል የሚገነባበት ሥፍራ እንደሚሆንም ተገልጿል።

በጅግጅጋ ከተማ የሚገኙ የከተማዋ ነዋሪዎች ክቡር ርዕሰ መስተዳድር አቶ አብዲ መሀሙድ ዑመር ማረሚያ ቤቱን በመዝጋታቸውና  አጠቃላይ የህግ ታራሚዎች በይቅርታ ከመልቀቃቸው በተጨማሪ ማረሚያ ቤቱ ህብረተሠቡን የሚጠቅም የልማት ማዕከል እንደሚገነባበት በሰሙ ጊዜ መደሰታቸውን ገልፀዋል።

በሌላ በኩል በክልሉ ማረሚያ ቤት የነበሩ የህግ ታራሚዎች በቆይታቸው የተለያዩ  መደበኛ ስልጠናዎችና የሞያ ትምህርት ሲሰጣቸው እንደነበረም አስታውቀዋል።በቀጣይም ከህብረተሠቡ ጋር በመሆን ከማረሚያ ቤቱ ባገኙት ዕውቀትና ሞያ ከመንግሥት ጎን በመቆም ወደ ልማት ሥራዎች እንደሚሠማሩም አስተያየታቸውን ሰጥተዋል።

MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Unba Baxay Xarunta Dalka Ee A.A

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 13ka, July 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u anba baxay xarunta dalka ee magaalada Adhisababa. Iyadoo madaxwaynuhu uu bari hadii alle idmo uu si wada jir ah Raiysal-wasaaraha dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed ula soo dhawyn doono madaxwaynaha dalka Eretria mudane Esaias Afwerki. 

hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar oo ay waheliyaan hogaaminta ugu saraysa dalka oo uu ugu horeeyo RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed ayaa lafilayaa in maalinka bari ah ay si diiran usoo dhaweeyaan Madaxwaynaha Dalka Eriteria mudane Eseas Afwerki. taasoo ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee uu madaxwaynaha eriteria booqasho ku yimoodo dalkeenan itoobiya. maadaama oo ay labada dal dhaxtaalay khilaaf iyo kala qoqobnaan mudo kabadan 24 sano islamarkaana wakhti xaadirkan dib loosoo celiyay heshiiskii iyo walaaltinimadii labada dal.

ugudanbayn, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta dalka ee magaalada adhisababa.

Kalfadhigii Golaha Baarlamaanka Oo Lasoo Gunaanaday

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 13ka, July 2018. Kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ee maalmahanba kasocday xarunta DDSI ee magalaada jigjiga ayaa kadib markii lasoojeediyay dhamaan ajandayaashii iyo warbixinadii kaladuwanaa si habsamileh loosoo gunaanday. iyadoo Ugu horayna uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu halkaas kasoojeediyay warbixintii waxqabadka xukuumada DDSI  ee SM 2010 T.I.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar ayaa si faafaahsan uga warbixiyay dhamaan warbxintii waxqabadka xukuumada DDSI ee dhinacyada horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha, wuxuuna madaxwaynuhu sidookale ka warbixyay waxqabadka jidadka, buundooyinka, shaqo-abuurka, horumarinta magaalooyinka, dhalinyarada iyo haweenka, xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba, sidookale madaxwaynaha ayaa kawarbxiyay guulaha nabadgalyada. Intaas kadibna xildhibaanada ayaa su'aalo kawaydiiyay madaxwaynaha. Iyadoo su'aalahaasna uu madaxwaynuhu si faahfaasan uga jawaabay Kadibna, xildhibaanada ayaa codbiuuxa ku ansixiyay warbixinta xukuumada DDSI.

Sidookale, waxaa iyana lasoojeediyay warbixinada waxqabadka baarlamaanka, maxkamada guud iyo waliba hanti dhawrka guud ee DDSI. Dhagaysi dheer kadibna xildhibaanadu ayaa suaalo iyo talo bxino ka soojeediyay waarbixinadas. Iyadoo masuuliyiintuna ay si waasac ah uga  jawaabeen. kadibna xildhibaanada ayaa cod buuxa ku ansixiyay warbixinadaasi.

Intaasi kadib, ayaa waxaa iyana kalfadhiga la horkeenay miisaaniyada cusub 2011 T.I. iyadoo halkaasna uu kasoojeediyay wasiirka xafiiska horumarinta khayradka biyaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo si habsamileh halkaas uga soo jeediyay miisaaniyada DDSI ee sanadkan 2011.T.I iyadoo wasiirkuna uu soo bandhigay in sanadkan miisaaniyada deegaanku ay dhan tahay 16,871,585,843 Birr (Toban Iyo Lix Billion Sideedboqol Todobaatan Iyo Kow Million, Shan Boqol Sideedtan Iyo Shan Kun, Sideedboqol Afartan Iyo Sadex Birr) kadibna, xildhibaanada ayaa su’aalo kusaabsan miisaaniyada waydiiyay wasiirka, islamarkaana uu wasiirku kabixiyay jawaabo faahfaahsan kadibna, waxay xildhibaanada DDSI ay cod buuxa ku ansixiyeen miisaaniyada cusub ee SM 2011.T.I.

intaasi kadibna, gunaanadkii kalfadhigan 7aad ee Golaha xildhibanaada ayaa wuxuu madaxwaynaha DDSI halkaasi ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Isagoo madaxwaynuhuu sheegay in deegaanku uu gaadhay meel aad u heersaraysa marka la eego horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban islamarkaana aysan si dhibyar ku imanin, oo ay kutimid kago’naansho iyo naf-hurid. Taasoo oo ay xukuumada iyo shacabkuba si wadajir ah usameeyeen. Wuxuuna madaxwaynuhu ilaahay ugu mahadceliyay allah ku garbgalay in nabadgalyadaas iyo horumarkaas aan gaadhno, sidookale madaxwaynaha ayaa carbak kudhuftay in nabadgalyada DDSI ay kutimid kadib markii dadbadani uu ushihiiday oo udhaawacmay kuwaasina ay mudanyihiin in laxasuusto lana ixtiraamo markasta. Wuxuuna xusay in nadabdgalyadaas iyo horumarkaas halgankaas kuyimid ay lagama maarmaan tahay in lasii wado.

Dhankakale, madaxwaynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in horumarkaas lasii balaadhinayo islamarkaana sanadkan xooga la saaridoono horumarinta adeegayada aasaasiga ah, qorshayaasha horumarinta bulshada sida baranaamijka guryaynta, iyo Barnaamijka Baad, biyo, beer, cilmi iyo caafimaad ee (BBC) oo ah barnaamij kor uqaadaya danyarta iyo waliba barnaamijka daynta ee lasiiyo dadka hayntoodu hoosayso. Horumarinta Barashada xirfadaha, waxsoosaarka, iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Wuxuuna hadalkiisa kusoo gunaanaday in ay muhiimtahay in lasii labojibaaro dadaaladaas si bulshada deegaanku ay wakhti dhaw uga baxdo saboolnimada.

Ugudanbayna, kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI  ayaa si habsamileh loo soo gunaanaday iyadoo xildhibaanadu si midaysan isula qaateen in laga midho dhliyo qorshayaasha uyaala guud ahaan hay'adaha DDSI ee dhamaan kuwajahan horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

 

 

 

MW Eretria Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Adhisababa

0
0

Adhisababa(cakaaranews)Sabti, 14ka July 2018. Madaxwaynaha dalka Ereteria mudane Esaias Afwerki iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho 3 cisho qaadanaysa kuyimid dalkeenan itoobiya islamarkaana garoonka diyaaradaha ee bole international ay si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyeen madaxda ugu saraysa dalka oo uu ugu horeeyo RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed. Madaxwaynayaasha deegaanada dalka oo uu kamid yahay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waliba shacabka qaybahiisa kaladuwan ee kudhaqan caasimada adhisababa.

Hadaba, booqashadan madaxwaynaha ereteria ayaa kadanbaysay kadib heshiiskii iyo wada hadalkii dhaxmaray labada wadan ee itoobiya iyo Eretria islamarkaana uu RW dalka Dr abiyi ahmed uu kutagay wadankaasi eriteria, sidaas darteed madaxwaynaha eretria ayaa lafilayaa in maalmaha uu booqashada kujoogo dalka uu kulamo kaladuwan oo wadatashi ah layeelan doona madaxda dalkeenan itooobiya oo uu ugu horeeyo RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed. kulamadaas oo lagu sii xoojinayo xidhiidhka iyo heshiiskan cusub ee labada wadan. Wuxuuna madaxwaynuhu maalmaha uu joogo booqon doonaa gooobo kaladuwan oo ay kamid tahay hawasa industrial barks ee magalada hawasa ee xarunta deegaanka Shucuubta koonfureed.

Iskusoowada duuboo, Booqashada madaxwaynaha Eritria mudane Esaias Afwerki iyo waftigiisu ay kuyimaadeen dalkeenan itoobiya  ayaa kadanbaysay marti qaad uu u fidiyay RW dalka Dr Abiyi Ahmed.

 

MW Eretria Oo Hadiyad Katurjumaysa Dhaqanka Soomaalida Ka Gudoomay MW CMC

0
0

Adhisbaba(cakaaranews)Sabti, 14ka July 2018. Xukuumada deegaanka soomaalida itoobioya oo uu ugu horeeyo MW CMC ayaa  hadiyad ka turjumaysa dhaqanka soo jireenka ah ee shacabka soomaalida itoobiya gudoonsiiyay MW dalka Eretria mudane Esaias Afwerki. Iyadoo hadiyadaasina ay ahayd Neef Geel ah islamarkaana uu madaxwaynaha Eretria uu si sharaf leh oo farxadi ku dheehantahay uga gudoomay MW CMC.


ፕሬዝዳንት ኢሳያስ አፈወርቂ ከኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት የገመል ስጦታ ተበርክቶላቸዋል

0
0

ሃዋሳ(Cakaaranews)ቅዳሜ፤ሐምሌ 7/2010ዓ.ም በዛሬው እለት በኢትዮጵያ መንግሥት ጋባዥነት ይፋዊ ጉብኝት እያደረጉ የሚገኙት የኤርትራው ፕሬዝዳንት ኢሳያስ አፈወርቂ ከኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ህዝብ እና መንግሥት በኢፌዴሪ ጠ/ሚኒስትር ዶ/ር አብይ አህመድ በኩል የግመል ስጦታ ተበርክቶላቸዋል። ግመል በሁሉም የኢትዮጵያ አርብቶ አደር ማህበረሠብ በተለይ በኢትዮጵያ ሶማሌ እና በአፋር ክልሎች ህዝብ የጥንካሬ፣ የሃብት እና የአብሮነት ተምሳሌት ከመሆኑም ባሻገር በተለይም በኤርትራ ህዝብ የነፃነት ትግል ወቅት ታጋዮቹ ከቦታ ቦታ በሚንቀሳቀሱበት ወቅት ትጥቅ እና ስንቅ እንዲሆናቸው ይጠቀሙት ነበር። ግመል ለኤርትራዊያን ከዚህም ያለፈ ትርጉም ያለው መሆኑም ተገልጿል።

በተያያዘም ግመል የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሥት ባንዲራ አርማ ከመሆኑም በተጨማሪ የክልሉ መሪ ድርጅት ኢሶህዴፓ ዋና መለያ በመሆንም ይታወቃል። ከዚህ ጋር ግመል የኤርትራ መንግሥትና የሃገሪቱ መሪ ድርጅት ብሔራዊ አርማ ሲሆን፤ በዚህ አሁን በተፈጠረው የሁለቱ ሃገር ህዝቦችን ቅርርብ እና ትስስር የሚያጠናክር መሆኑንም ፕሬዝዳንት ኢሳያስ አፈወርቂ ገልፀዋል። በዛሬው እለት በሃዋሳ ከተማ ይፋዊ ጉብኝት ላይ ለሚገኙት ፕሬዝዳንት ኢሳያስ አፈወርቂ ለክብራቸው በተዘጋጀው የእራት ግብዣ ላይ ከኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ህዝብ እና መንግሥት የተበረከተላቸው የግመል ስጦታን በደስታ በመቀበል ለኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ርዕሰ መስተዳድር ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ዑመር የላቀ ምሥጋናቸውን አቅርበዋል።

Khudbadii RW Dr. Abiyi Ahmed Ee Caawa

0
0

Hawasa(cakaarnews)Sabti, 14ka, July 2018.  Raisal wasaraha JDFI Dr Abiyi Ahmed ayaa khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay munaasabadii casho sharafta ee magaalada hawasa loogu qabtay madawaynaha dalka Eretria mudane esaias Afwerki. Wuxuuna Raisal wasaaruhu Khudbadaas kusooqaatay arrimo muhiim ah oo kahadlaya guud ahaan dalkeenan itoobiya isagoo si gaar ah ugu nuux nuuxsaday shaqsiyaadka lidka ku ah nabadgalyada wadanka.

Hadaba, RW Dalka Dr Abiyi Ahmed ayaa hadlakiisa kubilaabay sidan:-  “hadafkeenu wuxuu inoo hirgali karaa oo kali ah marka aan isjecelahay ee aan nabadgalyo haysano. sidaas darted, shaqsiyaadka itoobiyaanka ah ee kusugan dalka gudihiisa gaar ahaan deegaanada ay khilaafku kajiraan ee aan fahansanayn qiimaha ay nabadgalyadu leedahay, fadlan bal maanta halkan qiimaha nabada kabarta ayaan idin odhan lahaa.”

“Waxaa jirta in wali ay si ceeb ah ama foolxun ay dad itoobiyaan ahi mar walba kudhimanayaan oo waliba ay muwaadiniinta qaarkood dhib wayn kunoqotay inay nabad kusoo hoydaan waana wax laga murugoodo. sidaasdarteed, fadlan dadka dhibkan wadaw inaad fagaaraha isjecaylka usoo leexataan ayaan fariintaydii ugu dambaysay idiinku soo dirayaa’’.

RW dalka Dr Abiyi Ahmed ayaa hadalkiisa kusoo gunaanday sidan:- “Itoobiya waxay kusugantahay xaalad rajo wanaagsan leh, sababtoo ah itoobiya waxay heshay walaasheedii ay kala lumeen, si markaasi xidhiidhkan walaalnimo ee labada wadan uu si farxadleh oo qurux badan uu qoys walba iyo muwaadin walba oo inaga mid ahi uga faa’iidaysto waa inaan lamarin habaabin. Marka shaqsiyada deegaanada qaarkood dhibaatooyinka kawada waxaan ugu baaqayaa fadlan isjacaylkeena iyo walaalnimadeena qaaliga ah haxumaynina oo faraha kalabaxa qaska aad wadaan laakiin haday sidan kusii socoto xaaladu, maadaama aan biniaadam nahay fadlan inaan talaabo idinka qaadno hanagu khasbina. Waad mahadsantihiin.”

 

Adhisababa Iyo Munaasabad Heersare Ah Oo Looqabtay MW Ereteria Oo Si Toos Ah Uga Socota

0
0

Adhisababa(cakaaranews)Axad, 15ka July 2018. Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasooqaybgaleen RW dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed madaxwaynaha Eretria mudane Esaias Afwerki Madaxwaynayaasha deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar, golaha wasiirada JDFI, culimada diimaha kala duwan ee dalka, kooxaha dhaqanka ee kaladuwan fanaaniin can ah oo uu kamid yahay Tedy Afro iyo waliba shacabwaynaha qaybihiisa kaladuwan ee kudhaqan magaalada adhisababa ayaa wakhti xaadirkan si toos ah uga socota hoolka miliniumka ee caasamiada adhisababa.

Hadaba, munaasabadan oo ah mid aad u heer saraysa ayaa waxaa lagu bilaabay ducooyin ay soojeediyeen culimada diimaha kaladuwan ee dalka, iyo waliba heeso hido iyo dhaqan ah oo katurjumaya nabada labada wadan ee walaalaha ah intaas kadibna waxaa maslaxa lagu soodhaweeyay RW JDFI Dr Abiyi Ahmed oo halkaas kasoojeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo walaaltinimda labada wadan ee erertria iyo itoobiya. Iyo xidhiidhka cusub ee walaalnimo ee ubilawday labada shacab ee walaalaha ah. Sidookale RW ayaa kahadlay sii xoojinta walaaltinimda qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalka itoobiya.

Khudbad dheer kadibna RW dalka Dr Abiyi Ahmed ayaa maslaxa kusoodhaweeyay Madaxwaynaha dalka Eretria mudane esaias afwerki oo isna halkaasi kasoojeediyay khudbad muhiim ah isagoo kuhadlaya luuqada dalka ee afka amhaariga iyadoo hadalkiisana uu kamid ahaa ‘’nabada iyo xidhiidhka walaalnimo ee cusub waan sii wadaynaa waligano” “wuxuuna heshiiskan cusubi noqon doonaa mid waara’’ sidooka;le  madaxwaynaha ayaa aad ugu mahadceliyay shacabwaynaha dalka itoobiya sida quruxda badan ee laab-xaadhnida ah ee ay usoo dhaweeyeen.

Sidookale, waaxaa xusid mudan in munaasabadan  uu kasoo qaybgalay fanaanka caanka ah ee Tedy Afro oo isna halkaas kusoo bandhigayo heeso cajiib ah

iskusoowada duuboo,, muanaasabadan qaaliga ah oo ah mid loo dhan yahay laguna maamusayo walaaltinimada iyo heshiiska cusub ee labada wadan ee itoobiya iyo Eretria islamarkaana uu khilaafka iyo kala qoqobnaato  dhaxtaalay mudo kabadan 24sano ayaa wakhti-xaadirkan si toos ah uga socota hoolka wayn ee  milliniumka ee caasimada adhisababa iyadoo munaasabadana ay si habsamileh usii socoto islamarkaana ay socdaan heeso wadani ah oo katurjumaya dhaqanka iyo walaaltinimada labada wadan.

 

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት የክልሉን የ2011 ዓ.ም በጀት 16,871,585,843 ብር አደርጎ አፅድቋል

0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ቅዳሜ፤ሐምሌ 07/2010 ዓ.ም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት ለሶስት ተከታታይ ቀናት ባደረገው 7ተኛው መደበኛ ጉባኤ የ2011 ዓ.ም በጀትን ማፅደቁ ተገለፀ። የ2011 ዓ.ም በጀት በዋናነት በወጣቶች የሥራ ፈጠራ፤የቤቶች ልማት እና በሌሎች የመሠረተ ልማት አውታሮች ላይ እንዲውል መወሰኑንም ም/ቤቱ ገልጿል።

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት የ3 ቀናት ጉባኤ በማድረግ በትላንት እለት የክልሉን የ2011 ዓ.ም በጀት 16,871,585,843 (16 ቢሊዮን 871 ሚሊዮን 585 ሺህ 843)ብር አድርጎ ማፅደቁን  የክልሉ ም/ቤት አፈ ጉባኤ  አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ አስታውቋል።በዚህም ክልሉ በ2010 የበጀት ዓመት ከነበረው ጋር ሲነፃፀር የ1.6 ቢሊዮን ብር ጭማሪ እንዳሳየም ም/ቤቱ አብራርተዋል።

ከአጠቃላይ በጀቱ ውስጥም 3 ቢሊዮን የሚሆነውን ከክልሉ ገቢ ለመሰብሰብ የታለመ ስለመሆኑ የቀድሞው የፋይናንስና ኢኮኖሚ ልማት ቢሮ ኃላፊ አቶ አህመድ አብዲ አስረድቷል።በ2011 ዓ.ም የክልሉ በጀት በዋናነት በወጣቶች ሥራ ዕድል ፈጠራ እና በቤቶች ልማት ላይ እንደሚውልም ሃላፊው ገልጿል። በተለይ የመንግሥት ሠራተኞችና ዝቅተኛ ገቢ ያላቸው የማህበረሠብ ክፍሎችን ታሳቢ ባደረገ መልኩ በተለያዩ የክልሉ ከተሞች የቤት ልማት ፕሮጀክቶች እንደሚከናወኑና በክልሉ መንግሥት መ/ቤቶች ባሉት ክፍት የሥራ መደቦች ላይም ሙሉ በሙሉ በተማረ የሰው ሃይል እንደሚቀጠርምም መወሰኑ ታውቋል። ከዚህ በዘለለም ደግሞ ለወጣቶች እና ሴቶች ብድር በመመመቻቸት የሥራ ዕድል ፈጠራ እንደሚከወን የቀድሞው ፋይናንስና ኢኮኖሚ ልማት ቢሮ ኃላፊና የውሃ ልማት ቢሮ ሃለፊ አቶ አህመድ አብዲ አስታውቋል።

በሌላ በኩል በክረምት ወቅት እንደ ዋቢ ሸበሌ ያሉት ወንዞች በሚሞሉበት ጊዜ በተፋሰሱ ዙሪያ የሚኖሩ የህብረተሠብ ክፍሎች ላይ የሚደርሱት ጉዳቶች ከጊዜ ወደ ጊዜ እየጨመረ ይገኛል። የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልልም በየዓመቱ ይሄንን ጉዳይ ትኩረት እየሰጠውና በጀት እያስቀመጠለት እና እየበጀተለት በዙሪያው የሚኖሩ ዜጎችን ተጠቃሚ ለማድረግ ሥራዎች ሲሠሩ መቆየታቸውን ም/ቤቱ ገልጿል።

 ታዲያ በ2011 የበጀት ዓመትም በተፋሰሱ ዙሪያ የሚኖሩትን ዜጎች የአደጋ ተጋላጭነት ለመቀነስ እንዲሁ የታሰበ ሲሆን በዚህ ላይም ከክልሉ በጀት በተጨማሪ የፌዴራል መንግሥት እገዛም እንደሚኖር አቶ አህመድ አብዲ ገልጿል። በጀቱ ለተያዘለት አላማ እንደሚውልም ከዚህ ቀደም ይሠራበት እንደነበረው የፋይናንስ ሥርዓትን በጠበቀ መልኩ የክትትልና ድጋፍ ሥራዎች ተጠናክረው እንደሚቀጥሉም ሃለፊው አክለው ገልፀዋል።

War Murtiyeed Khuseeya Deegaanada Soomaalida Iyo Oromada

0
0

Adhisababa(cakaaranews)Isniin, 16ka July 2018. Labada dawlad deegaan ee soomaalida itoobiya iyo oromada ayaa kuheshiiyey in hay’adaha nabadgalyada federaalku ay galaan goobaha xadka ah ee khilaafka labada deegaan kajiro iyadoo labada madaxwayne ee dawlad deegaanada Soomaalida iyo oromada oo fulinaya islamarkaana kaduulaya amarka kasoo baxay Raisal wasaaraha JDFI Dr. Abiy Axmed ay kuheshiiyeen inay  hay’adaha nabadgalyada federaalku ay si degdeg ah ugalaan soohdimaha labada deegaan ee ay iskudhacyada labada shacab kajiraan islamarkaana ay si xeelad cilmiyeysani kudheehan tahay ay usugaan nabadgalyada iyo xasiloonida xuduudaha labada deegaan.

Hadaba, Raisal-wasaaraha JDFI Dr. Abiy Ahmed ayaa shir jaraa’id oo uu kuqabtay gagida diyaaradaha ee Bole International Airport wakhti uu sagootinayey madaxwaynaha eretariya ayuu  shaqsiyaadka soohdimaha labada deegaan dhibaatada kawada ugu baaqay inay si degdeg ah ujoojiyaan dilka ba’an ee lagu hayo muwaadiniinta dalka. Wuxuuna fidno wadayaasha uga digay inay kadhawarsadaan falalka xun ee iskudhacyada shacabka ee ay wadaan.

 Sidookale, Raisal wasaare Dr. Abiyi Ahmed ayaa ciidamada gaashaan dhiga qaranka iyo federal booliska ku amray inay si degdeg ah ugalaan goobaha iskudhacyadu kajiraan ee labada deegaan islamar ahaantaana ay si mas'uuliyad ciidan kudheehan tahay ay waajibaadkooda sharci ilaalineed ugutaan.

Dhanka kale, Wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada ee JDFI  mudane Axmed Shide ayaa war murtiyeed uu udiray warbaahinta dalka kusheegay in madaxwaynaha deegaanka Soomaalida itoobiya mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha deegaanka oromada mudane Lemma Megersa oo awaamirtii raisal wasaaraha raacaya ay iskudhaca labada qoomiyadood kawada xaajoodeen islamarkaana kuheshiiyeen in ciidamada qaranka iyo hay’adaha nabadgalyada federaalku si degdeg ah u galaan soohdimaha labada deegaan ee khilaafka iyo iskudhacyadu kajiraan.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in labada mas'uul ay kuheshiiyeen in Goobaha xuduudaha ah ee dhibaatadu kajirto ay  hay’adaha nabadgalyada federaalku nabad iyo xasilooni kusoo dabaalaan oo ay shacabka gacmaha iskusaaraan.

Sidoo kale,  wasiirka xidhiidhka arrimaha dawlada JDFI mudane ahmed shide ayaa sheegay inay masuuliyiintu kuheshiiyeen in hogaaminta labada deegaan looga baahan yahay in iyagoo kaashanaya hay’adaha nabadgalyada ay kashaqeeyaan hawlaha dejinta iyo xasiloonida labada shacab ee jaarka ah.

Mudane Axmed shide ayaa intaas kudaray in labada shacab looga baahan yahay inay farta kufiiqaan dadka dhibaatada shacabka kadhex abuuraya islamarkaana ay sharciga kusoo dhaweeyaan.

Ugudanbayna, wasiirka ayaa cadeeyay inay madaxwaynayaashu isku afgarteen in si shacabka la isugu soo dhaweeyo ay muhiim tahay in laqabto fagaarayaal shacab oo degdeg ah islamarkaana shacabka laga dhex abuuro nabadgalyo, xasilooni iyo isjecaylkii hore ee lagu yaqaanay labada shacab xal waarana laga keeno.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live




Latest Images